Afar Magaalo oo kutaala Caalamka oo la sheegay in Dhimashada ee Mamnuuc ka tahay (Daawi Sawirada)

Afar Magaalo oo kutaala Caalamka oo la sheegay in Dhimashada ee Mamnuuc ka tahay (Daawi Sawirada)

( SACADIN.COM ) Marki aad maqasho wax caadiyan ah oo lama huraan ah ayaa la mamnuucay sida dhimashada oo kale waxay ay kula muuqanaysa wax aan Caqli gal ah ahayn ama suurtoobeen.

Hadaba waxa ala sheegay Goobo yar oo Caalamka ka mid ah ay manuuc ka tahay dhimashada.
Mamuucista dhimashada ayaa caalamka ugu danbaysay qarniki 5aad ee Bc markaas o jasiirada lagu magacaabo Delos oo ku taal dalka Griik laga manmuucay dhimashada.

Bal aan wada aragno goobaha hada Caalamaka aan ku nool nahay ee dhimashada mamnuuca ka tahay.

Itsukushima – Japan

Dadka haysto diinta Shinto oo ka mid diimaha ka jira dalka Japan ayaa aaminsan in jaziirada Itsukkushima ay tahay meel barakAysan ,wadaada diintaan ee ku dhaqan jaziiradan ayaa ka shaqeeyay sidi loo hubin lahaa in aysan wax dhimasho ah ka dhicin jaziiradan.

tan iyo 1878 wax dhimasho iyo dhalasho ah kama dhicin aaga jaziirada.
haweenka uurka leh oo ay dhowdahay xilikooda dhalashada looma ogala in ay halkaas joogaaaan si aysan ugu dhalin jaziirada sidoo kale dadka jiran ayaan loo ogaleen ayagana.
si kastaba ha ahaate jaziiradan wax dhimasho ah lagama ogala sida ee aaminsan yihiin dadka kunool Jaziiradasai.

Longyearbyen – Norway

Magaladani waxay ku taal dhanka waqooyi ee gudaha jaziirada Svalbard island ee dalka norway ayaa iyadana mamnuuc ka tahay dhimasha.
magaaladan ayaaa leh meel yar oo qabuuro ah lakiin waxaa la joojiyay 70 sano ka hor in dad danbe lagu aaso.

sababta keentay in dhimashada laga mamnuuco ayaa ah in qofka lagu aaso jaziirada uu waligiis jirkiisa kala daadaneen oo is haysanayo.

cilmi baare ayaa helay maro tilmaamaysay in nin magaladan ku dhintay uu sababsay fayrus hargab oo xun taasna macnahedu tahay magaladan oo wax walbo aan iska badaleenin.

dadka sida xun u jiran ee looga shakiyo in ay dhiman rabaana ayaa lagu safriyaa diyaarad ama markab loo geeyo goobo kale oo katirsan Dalka Norway halkaas oo ku dhamaystaan maalmaha yar ee nolashooda uga dhiman.


Falciano del Massico – Italy

At Falciano del Massico waa magaalo yar oo ku taaal koonfurta dalka Talyaaniga iyada looma ogala in dadka ay ku dhex dhintaan sababtu ma ahan diin ama dhaqan ee waa iyada oo aysan jirin meel lagu aaso magaalada oo ciriiri ah owgeed.

maayorka magaaladan ayaa soo saray bishan horaanteedi qodob dhigaya in dadka degaanka aysan u bixi karin dhanka kale ee xuduudaha ayagoo nafta soo mada daalinayo oo ay u baxaan kaliya nolasha ka dib.

magaaladan wax xiriir ah lama lahan magaaloyinka deriska la ah ilaa 1964
Falciano del Massico ayaa muranka kala dhaxeeyo magaaloyinka dariskeeda ah lagu sheegay in xaquuqdooda ilaalin waysay qabuuro qadiimi ah oo ku dhexyaalo kaniisad ku taal magaalada.

Sarpourenx – France

Qaraarka mamnuucaya in dadka ay ku dhintaan ayaa waxaa soo saaray mayorka Sarpourenx, waa xaafad qurux badan oo ku taal konfur galbeed Fransiiska.

go’aankan ayaa yimid ka dib marki maxkamad faransiis ah ay diiday qorshe ah ah in qabriyada gobtaas ay sii jiraan waqti dheer ,lakiin mayor Gerard Lalanne wuuxu kabi ahaanba uu diiday in ay qaadato waqti dheer iyo waqti kaaban.

ma uusan diidin dhimashada ee kaliya ee kuwa ku dhiiranaya in ay ku dhintaan xaafada ayuu sheegay in la ganaaxi doono.

inkastoo aysan cadeen waxa uu ku ganaaxayo qof dhintay hasa ahaatee go’aanka Mayorka Sarpourenx ayaa wuxuu walwal badan ku abuuray dadka deegaanka ayagoo ka baqdin qabo waxa ku dhici karo ka dib dhimashadooda .

Waxaa aad ula yaabay Warbixintan markii lasoo daabacy dad badan oo Muslim ah iyo kuwa kale aan Muslim aheyn sida ee iska dhaadhiciyeen dadka Kunool Jaziiraha iyo Magaalooyinkaasi kunool kuwa aoo sheegay in Geerida ee Mamnuuc ka tahay Goobahaasi.
This post has been viewed 683 times.



style=”display:inline-block;width:300px;height:250px”
data-ad-client=”ca-pub-2327704455881259″
data-ad-slot=”0661687863″>

Video Comments are powered by Contus Support
%d bloggers like this: