GABAY-SAMAROON SIDII LAGU YIQIIN & SAMIR WANAAG MUUJI

GABAY-SAMAROON SIDII LAGU YIQIIN & SAMIR WANAAG MUUJI

Xariirad Tawn-Awdalstate-Aniga oo ah Maxamed Hirad kana Soo jeeda Buhoodle.waxaan halkan kazoo Dirayaa Gabay anigoo oo magaca Ilaahay ee weyn kaashanaya, waxaan gabaygan ugu talo galay inaan ku wacdiyo soomaalida weli xasaradihii.
Hore sii wadda khaas ahaan Beelaha Samaroon. Kuwaas oo maalmahan
Dhoweyd khilaafaad soo kala dhex galay ku saabsan Ugaaska. Waxaan
Rajaynayaa in walaalahay tix geliyaan dadaalkayga dhedhexaadinta ah.
Iyo inta kale ee badan ee sidayda oo kale jecel dadkooda ee ka qayb
Keli doona heshiiska dadkooda. Gabagiina waa kan.

Caku dunidan xumihii la saxay, samana loo diiday

Waakaa dadkii wada sal kacay, saafiga ahaaye

Mindhaa saacaddii baa dhacdoo, suurki baa hadhaye

Bal inaan la seegayn wixii, odayo sii sheegay

Oo Soomaali ay kala hadhayn, belo la saadaashay

Saakaba wargaysyadu xogbay, soo safrinayeene

Samaroon sidii lagu yiqiin samir badnaantooda

Sinji mida sareediyo nicmada, kala sarayn waaga

Salaadiin cadaalada sharciga, cidi saluugaynin

Caalimiinti wada suubanayd, suufi iyo shiikhyo

Shiikh cali jowhar sayidkii arlada, wada siraadaayey

Soohdimaha degaankooda oo, wada salaamaysan

Ee nabad ku seexdaan hurdada, looga selalaynin

Saraca iyo beeraha u baxa, ama wax soo saarka

Isku sidigga saddex dowladood, saami ku lahaanta

Jaamacaadka loo wada sunsumo, sebiyo waayeelba

Sayniskiyo culuumaha saree, Eebbe solansiiyey

Oo qolo sidaa heli kartaba, siiro lagu haynin

Sad bursiinyo doonkii la eed, loo safnaan jiraye

Waa maxay sawaxankeer dhiciyo, salawga yeedhaaya

Ma sidii dhulbahantay rabaan, kala sabool haadka

Iyagaa la saaxiib ahaa, beri samaadkiiye

Saylaci ma xaabsade kalaa, waa sir xaajaduye

Suga’ oo su,aashaa caqliga, saxan bal waydiiya

Samaroon samihiinii horiya Samir Wanaag muuja

Duulkii sacaadada ilaaah, siiyey garan waaya

Sahal inay u dhaaftaa hubaal, seegi ma hayaane

Subxaanallaahi baa nagu habbon, xaalkastay tahaye

Noo sakhir allahayow dadkuba , sebenka waa yaabe

Samaroon samihiinii horiya Samir Wanaag muuja,,

Xigasho: Maxamed Hiirad
san Diego, USA
hassankhadar@hotmail.com

This post has been viewed 6177 times.

2 Responses to GABAY-SAMAROON SIDII LAGU YIQIIN & SAMIR WANAAG MUUJI

  1. Ab-qari Reply

    September 13, 2011 at 11:04 pm

    Aad & Aad Ayaan Kaaga Gudoonay- Mudane Maxamed Hiirad- Runtii Maansada Aad Ku Hogo’tusaalaynayso Ummada Ku Dhaqan Gobolada Awdal, Salal Gabilay, Jigjiga, Shiniile & Djibouti. Waad Ku Mahadsantahay Waana Mid La’idiinka Filayay Ahna Hido Soo Jireen Ah-

    Saraca iyo beeraha u baxa, ama wax soo saarka

    Isku sidigga saddex dowladood, saami ku lahaanta

    Jaamacaadka loo wada sunsumo, sebiyo waayeelba

    Sayniskiyo culuumaha saree, Eebbe solansiiyey

    Oo qolo sidaa heli kartaba, siiro lagu haynin

    Sad bursiinyo doonkii la eed, loo safnaan jiraye

    Waa maxay sawaxankeer dhiciyo, salawga yeedhaaya

    Ma sidii dhulbahantay rabaan, kala sabool haadka

    Iyagaa la saaxiib ahaa, beri samaadkiiye,,

    USP Ha’noolaato,,,,

    Suxufi Abroone
    Afhayeenka Awdal State ee UK
    Allaa Mahad Leh

  2. Ab-qari Reply

Leave a Reply

%d bloggers like this: