Ciise Gari Ma Gashaa, Mase Ka Baxdaa?

Ciise Gari Ma Gashaa, Mase Ka  Baxdaa?

Waxaa baryahan dambe ku soo batay warbaahinta qormooyin is dabajoog ah oo ka soo burqanayaa dad isku sheegay in ay taariikh dhul iyo dad ogyahiin, kuwaas oo aan waxba ka ogeyn, markaad eegto golaha maqalka iyo fagal aragga Djibouti waxaad arkaysaa in la buunbuuninayo taariikhda qawmiyadda ciisaha, dadkii Dhulkan lahaa ama ehelka u ahaana la qarimayo oon waxba laga sheegeyn, haddii ay raadraac ku lahaayeenna la tiraayo, Baryahii hore nimanka ka sheekeeya taariikhda ciisuhu waxay ku eekaan jireen Djibouti ilaa Diri-Dhabo oo xeerka ciisahay uun bay ka waramiy jireene waxa soo baxay kuwo waxwalba iyagu le.
Waxaan arkay nin aan waligey u haystay ilaa Dugsiyaddii 1964kii in uu yahay gadabuursi ,ceeshaw milix aanu ahayn, waligiina ciise aan arkin , ceesh ciise leeyahayna aan cunin ka hor 1977kii, dawladdii ciise ee halkaa ka dhalatay,lana dhalay, kaas oo ku boorinaya ciise waa qaran ee qabiil ma ahin, ciise wuxuu degaa ilaa Huursaa ilaa Bulo-xaar waa dhul ciise cidna uma ogolin, ciise ha dagaalomo oo gadabuursi ha la dagaalamo.. yaab iyo amakaag baa ii yimid, waar kan ceynkan u hadlayaa miyuusan ahayn ina macalin Araye, saan dhugtay saa waa isagii.. waxa markii ba maskaxdeyda ku soo dhacday waar Dumarka Gadabuursi ee ciise u dhaxay Ma wax xundhalooyinbaa?……..
kaad aaragtaaba kii kale ka daran….Hadda waa kuwii dadka isku dhaweyn lahaa baa sii kala fogeynayaa oo dagaal ooge ah, kii ka fogaana maxaad u malayn?… ogaw ninkan cali ahi, Ina Rayaale Gorod hortii dad iyo duunyo midna ma ahayn,damacaan qaawan dhankuu kala yimid, ma hadlayee wuu ciyayaa, kan keenayna waxuu ahaa Ina abtigii oo ha noolaado lahaa, kursiga uu ku fadhiyo xitaa laguma tartamin ee waa ana faawsss.. dee horaa loo yidhi ciirtaa dhame ayaa ceebtaadda yaqaan, cali coon buu ahaan jirey , ..( Asal iyo nin farac kuu yaqaan oo og dhaladkaaga oo kuu abtirin baan ahayee maqal odhaahdeydaa..).waxaa iigu maqaalle ah kuwa ka dambeeya ee dabkan shidayaaba waa kuwii Dumarka gadabuursi dhaleen….
Ninkan le ciise waa dad cun , ama dhul buu leeyahay, ogaw waa kuwii tolkii dumarka jaarso ugu buraanburayeen markay gabdhaha ka xadaan eey kuursadaan , marka sodohdu raadiso gabarteedda ey aragto in ay Ciise hoday, beenna u sheegay( Gabadh Bartire Guursatoo Lagu Baxaad Ahaydee Ciise Guursatee Waa Waxaad Cuntaa). Kii baa le maanta wax baanu leeyahay waa adduunyo gadoon….
Waxaan warbaahinta ka daalacaney in muran ka taagan yahay dhulka Saylac xakunto, Micnahiisuna yahay (K u qabso ku qadimeysidee)..kaas oo ka bilawday doorashadii deegaanka, xubno farabadan oo maamulka Somaliland ahi u tageen xalinta khilaafka, kuwaas oo u kuurgalay arinta lagu muransan yahay ee beesha shalay dhulka timid ku hadaaqayso….waxaase ceeb ah xalkii halkuu yaal baa laga tegay oo meel aan xal oolin baa lagu yaacayaa . Nimankii Hargeysa ka yimid oo iskugu jira munaafaqiin iyo daacadba waxay baqooleen dhankaa iyo Djibouti ooy moodeen in uu garaad Jiro, waxayna la kulmeen garaad ciise oo dhahaya afar kursi ha lanoo siiyo sooryo aan lanagula tartamin,nimankii Ergadaha ahaa wax yaaban mooye wax kale laga waa, hadalna waxay ku dhameeyeen waar wax aanu bedeli karna ma jiro, dalkan dalkan doorashaa loo galay waana lagu kal calaf qaaday, uma iman kursi kordhin ee waxad ku qancaysaan sheega..
Midda kale dee sooryaddii ciisaw wey dhamaatay oo 1960kii baa u danbaysay, sooryo dambena ma jiri doonto, taasna Somali jacayl bay ahayd, adiguse damac qaawan baad la ttimid ninkii sidaadda sooryadda la siiyey kula mid ma ahin, dhulna ma sheeganayo, dhulkiisii buu aaminay, adna waadigan la soo taagan xaduudkii 1960kii, waar miyaad tidhaadid sooryaddii 1960kii yaan la iga noqon ee ha la iidaayo, bal adba dee kas caano Galeenna sidan uma fikiree waa ceynkee xaalku… horaa loo yidhi( Xidiggaha cirku haday dhul noqdaan dadka kale kor buu u eegi , ciise se kor buu u boodi)…….
Waxaan akhristayaasha weydiinayaa ciise ma 1960kii buu dhashay mise wuu ka horeeyey?.. kii wax soo qoraa ama hadlaa wuxuu leeyahay xuduudo ha ku joogto halkii lixdankii.. waa side xaalku?..lixdankii dhamaa, dawladnimaa ka dambeysay, ciisena dawlad qaaday, sooryaddiina dhamaatay, dhulkan wax lagu tartamo mooye waxkale ka soo baxayaa ma jiridoono, kuraas dambe oo I’nan la yaal lagu sooryeynayaa ma jiri doonto……
QORE. A.B.Ibrahim(Aden-Cadde)..


This post has been viewed 1707 times.

Leave a Reply

%d bloggers like this: