Warbixin Saylac: Yaa Dega Saylac Taariikh Dhaba by Dr Aden Abraham

Warbixin Saylac: Yaa Dega Saylac Taariikh Dhaba by Dr Aden Abraham

ISAAQMarkaan qormadaa Akhiriyey mar waan QadhQadhay, Mar waan Qunbacdey, Marwaan Qamuunyoodey, Mar waan qosol gariirey, mar waan  Qiiroodey, mar waan quustay oo akhristayaasha la maan doorin ee la marin habaabin ee moodi ninkani waxuu qorey in ay run tahay, iyo qoraaga Maqaalka  qorey  oo  magaciisa ku sheegay coomay, oo yidhi waxaan ahay qoraa weyn  waan u khajilay yaa salaam, oo aqoonyahankii somaliyeed ma caynkan baa u dambeysay mise wuu mateli mise wuxuu jilayaa (Ruwaayaddii ahayd waa maadeys adduunyaddu dadkuna wuu matelaaaa), nin taariikhda uu ka waramay dhamaan tahay  been abuur, waana nasiib daro nin isku sheegay in uu yahay qoraa rug cadaa ah, oo taariikh yahan ah, waana wax ku ceeb ah milgaha aqoonyahanka , nin sheegtay qoraa haddana ka been abuuray taariikh dhul iyo dad uu leeyahay, …..waxaan cadeynayaa iskadaa taariikh hore uu wax ka qoree tan  aan hadda horjoogno ama aan arkayno ayuu ka been sheegay wax ka horeyyey ama qarniyo  tegay daayee… Haddii aan bilaabo taariikhda Saylac iyo marxaladahii ay soo martay waxay noqon buug dhan… bal inta Dadweynuhu  indhahoodda ku arkayaan baan wax ka taataaban ee marag madoon ah iska daa wax tegeyee.…

Magaaladda saylac inta  ay xukunto wuu ka been sheegay oo dhul aan magaalo ahayn buu magaallo ku sheegay, dhul  ceelal biyo ah buu ku sheegay tuulooyin, tuulooyinka ay xakumaysayna maba sheegin badidooda , ilaa 1960kii intii xita ay xukumeysay ma sheegin halkaa waxaaad ka garan in uu cidlo socdo aanu ahayna qoraa saa qoraagu wax aanu hubin ama aanu garanayn kama waramo sidda kan oo kale , ama been intan leeg ma sheegaan…..

Marka uu sheegayey magacdii magaaladda saylac xaafadaheeddii xitaa muu dhameyn wax aan jirinna wuu ku daray anigu garan maayo meesha uu kala yimidee….

Magaaladda saylac waxay ka koobneyd afar xaafaddood oo kala ah,…… Khoor-doobi, Canaabbo, casho-baro iyo saaray Dadka degi jireyna waa Sid:

Saaray: waxaa degaan ahaan u badnaa gadabuursi makaahiil iyo safaradda ciisaha oo abaan ware ay ka ahaayeen  waxaaana la degi jirey ciisaha waxoogaa qoysas ah oon badneyn…

 Khoordoobi: waxaa degaan ahaan ulahaa qabiilka Abreynka oo kaliya cid kale lama degijin..

 Canaabo: waxaa degijirey reer mohammed, Bahabar-muuse , reer ciise Habara cafaan, Bahabarceli mohad-case iyo waxoogaa carab iyo suudan iyo canfar ah…

 Casho-baro.. waxa degan ahaan u badnaa dad ka reer saylac la magac baxay oo isku jir ahaa.sida carabta,canfarta,  suudaanta, xabashida, oromadda, hindidda afrikan kale..

Dhamaan xaafadahaa  aan soo sheegay waxaa ka Chief al xaafe ama   Chief Caqaail ka ahaa gadabuursi , hal kuxigeen oo carab ahaa baa jiray..

Ninka isku sheegay qoraagu wuxuu ka waramay wax aanu garaneyn , malaha in rubiyeed baa la siiyey oo wax mulmulaaq baa la yidhi uu oo  la shir yimid mise taariikha uu ka waramo oo dhami waa wadda sidan.….

Tuulooyinka ay xukumi jirtay  waa dhamaan inta ay xukunto Degmadda lughaya hadda  iyo inta hadda ay xukunto oo kala ah.. ceel-baxay, xariirad, cabdulqaadir, Jidhi, Ceel-gaal oo magic kula baxday halkii ugu horeysay ee uu ingiriisku ceel ka qodey, Aash-cado, tokhoshi iyo lawyacado oo isku dariiq ah.. dhinac kale tuulooyinka aan waddo lahayn ee marmar iyo dhif baabuurtu marto sida fiqi-aden, fadhixun, dhabo-dilaac, Xuseyn…..

Ceelasha uu ku sheegay tuulooyinka iyo wadooyinka: Habaas,Laagta-murohda oo ceel rig ah oo xoolugu ka cabaan, cali-weeci  iyo  Geestiir oo ah halka saddexda xad ku kulmaan, heemaal oo dhic biyo mareen ah, waana halkii gaaskii kowaad ee qaybtii lix iyo labaatan la dejey markii 1978kii laga soo baxay galbeed waxayna koonfur bari ugu toosan tahay tuuladda jidhi…

Magaca Salal.. wuxuu ka yimid dooxa dheer Tuuladda Boon ee Degmadda Borame  galbeedka mara,waana halka looga dhaansho tuuladda Boon.la dhaho  Afdoox, wuxuu  mara ceelbaxay, wuxuu  mara  Aroos-seel, wuxuu mara xariirad waxaana la yiraaahdaa markuu halkaa joogo  Geri-go’an, wuxuu  mara bariga Habaas ee uu ku aasan yahay odeyga DUDUB ee qabiilka ka mid ah jibriil yoounis ka oo ka barakaysto waana reerka uu ka soo jeedo  Madexweynahii hore somalilandta  Dahir R.Kaahin, dooxu wuxuu galbeedka ka maraa  tuuladda cabdulqaadir ee diyaaraha xabashidu sida ba’an cirka uga weerarijirtay asnadkii 1977-1978kii dagaal somaligalbeed, wuxuu maraa madexdadley oo ah halkii guutadda kowaad ee gaaska kowaad deganaan jiray ee  burburkii ka hor, wuxuu galbeed ka maraa Qadar iyo ilyaas ooah Qabuuraha habaryeesif Gaduursi ay siyaartaan ama ay ku wareegaan sannadkii mar, wuxuu galbeedkaka maraa tuuladda Jidhi oo ka bilaabmo magaca SALAL  uu markuu soo rogmaddu uu salaayo magacna kula baxay   waana ka maratuuladda ceel-gaal misena uu ka Gallo Badda-cas…  

Ninka qoraaga  ahi wuxuu ka been sheegay bilawgii taariikhda saylac , dadkii xakumayey, dawladahii iskaga dambeeyey, heshiisyadda lala galay gumeystaha Engiriis ciddii la galashay iyadoo ay taal cadeyntii shaygii lagu kala saxeexday taariikhdii, maalintii, waqtigii, magacdii dadkii saxeexay , ugaasyaddii, goob- joogayaalkii, dawladdii france saldhigii ay ku soo horeysay markii ay gobolka soo gaadhay….

Taariikhda maamuladda soo maray wuu ka been sheegay oo intii ciise oo shalay ahayd mooye cid kale muu soo qaadin, intii hore waxna wuxuu kui sheegay dad ayna ahayn, waxna carab iyo masaari iyo cidyaw kale, garan maayo  dhankuu geeyey qawmiyaddi lahayd dhulka ee  gadabuursi ee ka  badnaa  sida:  Xaaji Khayre, Mee xaaji Abdi, ciise Madexay, mee suldaan amiir  Nuur, Haaji Diide , Bashiir Qarni, Ahmed Shabeel.. xitaa magacdda xabuuluhu ee magaca waaweyn le ee degmadda saylac waa gadabuursi, Daahir xirsiga uu sheegi ayuu kala wareegay xilka ma ciisuu ahaa Muumin Xuseen oo ahaa maayerkii ugu horeeyey ee 1981dii ..

Qoraa isku sheeguhu wuxuu soo qaatay afar odey sidey ku yimaadeen aanu waxba ka ogeyn..Magacda maayeradda uu sheegay qaar baan anigu ka masuul ahaa keenistoodda iyo xil u magacawga Degmadda saylac ayagoon waxna qorin waxna akhriyin…..

Su’aal baan weydiiyey  ninkan isku sheegi  muxuu ahaa shaygii lagu kala saxeexday , halkayse taal hadda, ayaa ka masuul ahaa saxeexa magacdiina wey ku dhantahay qormaddii lagu heshiiyey ee..

Jaalle coomay hadduu xanuun gadabuursi ku hayo anigu kuma darin taladda , weyse jiraan dad uu hayo xanuun…. Eebbe weyne waxaan kuu rajeyn in uu kaa saaro c udurka kugu jira…..

Ma doonayo in aan intaa dhaafiyee maanta haddii loo baahdo  ama la iga codsado ceydaha aan sheegay. Waan soo bandhi……..

                   Qore.  A.B. Ibrahim (Aden-Cadde).


This post has been viewed 1413 times.

Leave a Reply

%d bloggers like this: