Ragga Hilibka Solayee Siniintana Nacaayaw. Ogaadda Dadku Inuu Ini Ogyahay Maalin Itaal Iyo Wakhti Yimaadana La Idinka Jari Doonno

Ragga Hilibka Solayee Siniintana Nacaayaw. Ogaadda Dadku Inuu Ini Ogyahay Maalin Itaal Iyo Wakhti Yimaadana La Idinka Jari Doonno

Waxaan salaamayaa akhristayaasha qaayle , intaa ka ummaddua waxaan ka qarsooneyn in maamulkan Dabagaaleynayaa ee  ummadda timaha iskugu xidhay kana dhex abuuray muran iyo sawaxanka isgaadhay min darif ilaa darif, qaarna dhiigooddii dhulka galay.

Waxaa magaaladan Saylac ka taagan in dadkii codkoodda ku helay maamulka deegaanka indhaha la qabto oo lagu sasabbo maanta reer hebel sii gudoomiyaha berina doorta mid cusub oo ah xeelad iyo mashruuc laga soo alufay Hargeysa , lana rabbo in lagu sasabbo hees caruureed, nasiib wacaan xunaha deegaanka aqlabiyaddalahina ay ka dheregsan, waayo arag badanna u leeyahiin khiyaamadda cenka ah, oo hore u daashatay iyo inagaa dalka ka madexweyne ah sideedda sanno eey ku dacwiyaan in ay mayer ka ahaayeen Saylac…….

Waftigii kabo qaadyadu horboodayeen wey ku hungoobeen nidaamkii loo soo xanbaariyey, waxayna la noqdeen iyagoo werwersan una baqaya kursigoodii saa wey fulin waayeen dardaarankii duqa soo xushay,waayo dee niman khibrad ule xeeladd kala khiyaamaynta bulshadda ma ahin, ee waa kuwo ku takhasuseyn amaanta siilaanyo qaarna ay ka soo baxeen jaamacadda xisbigii kacaankii afweyne bulshadduna ay ka dheregsan tahayn cawaaqib xumadooda iyo in ay dalkoodda iyo dadkoodda dhaafsadaan manaasibta ay hayaan……

Waxaa nasiib wanaag ah maanta in todobaddii ma xishoode ee hargeysa khamiistii laga soo direy ay ku guuleysan kari waayeen fariintii Hargeysa loo ga soo dhiibay ee in ay kala qaybshaan tobanka xildhibaan ee dalkoodda iyo dadkoodda daacadda ah, kuwaas oo

Dhaafsanayn kuwaas oo damiir wacan le, aaminsanna dalkoodda iyo dadkooddii siiyey codka xalaasha ah , aan dhaafsaneyn hungri ama shilimaad ama maanaasib maalmo haynaya, garansana  in uu yahay waxaanu ay khiyaamayna  dadkoodii u hibeeyey codkoodda in ay kagaa talinayaan dalkoodda aayahiisa…

Maamulka Gobolka Awdal ee Dhuumanaya waa lagula socdaa in rabto in aad waqtiga ka rido, fulisana siyaasadan guracan ee siilaanyo kuu dhiibay, ogaw in aadan kursiga ku waareyn, lagaa qaadayo, isku day sidii godoomiyahii degmadda Berbera ee muwaadin ahaa ee sida xalaasha u dhaariyey ummadda codka heshay, waxaa kale eed ku darsan

 in ay tahay waajibkaadii distooriga ahaa in sida ugu degdega badan u tegto Saylac adiga oo wata Garsoorahii Gobolka , waqtigana ku darso in aadan ka ridin  ee sidda ugu degdeg badan aad u dhaariso xildhibaanadda sida xalaasha u helay codka ummadda….

Odey-Dhaqameedka, Uqaasha, Suldaanadda , waxgaradka, culimaaudiinka iyo siyaasiinta ku shir Gobolka Awdal waxay Qorbejoogtu ka codsanaysaa in ay ka qaybgalaan caleemo saarka iyo caanno qubka mayerka iyo mayer ku xigeenka Degmadda saylac una anbabaxaan,

 waqtiga ayna iska ridin,  dhawraanna karaamadoodda iyo tan  ummaddooda intaba……

 

                         QORE……A.B.Ibrahim (Aden-Cadde)……


This post has been viewed 913 times.

Leave a Reply

%d bloggers like this: