Maamulkan hadda socdaa wa go’aankii shirkii Gar-Adag, Kaas oo ku sal lahaa shirkii Gudigii Nabadgelyadda Ururkii gacankudhiiglahaa ahaa ee SNM bishii Apri 1991kii

Maamulkan hadda socdaa wa go’aankii shirkii Gar-Adag, Kaas oo ku sal lahaa shirkii Gudigii Nabadgelyadda Ururkii gacankudhiiglahaa ahaa ee SNM bishii Apri 1991kii

Waa xigmad rabaani ah, waxanad moodaa in ay ku salaysan tahay amuuraha samaawiga ah,somaliduna waxay tidhaaa (hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho)…….

Akhristayaasha qaayaha lahaw dib u milicsataan qormooyin aan hore internet u galiyey ee cinwaanadoodu kala (Qaadigii tuuladda joogay, quraankana caruurta barayey, waxaa kale eed fiirisaan Qormaddii marka wiil reer bari gabadh loo doonayo su’aalahay ku xidhaan baa, xoolo ma leeyahay,mayaa… Cilmi ma leeyahay maya….., xirfad shaqo magaalo ma leeyaha maya….. ee muxuu leeyanah WAA TURURB YAQAAN, Waxaa kale eed milicsataan wiilkii yaraa ee xamar tuugto heshay ee dharkii oo dhan ay kala baxeen eey u reebeen faraatigii iyo kastuumahii ee markuu dadkii dhex yimid lahaa , tuugan hadduu dhahi laha faraatiga saar maroodi baa maray baa la dhighi) …..1991kii .. Madexweynahii Ciraaq(Saddaam Hussein). baa waxaa hadallo kulkul ku tidhi ra’iisawasaarihii Engiriiska (Margrette. T) hadallo an nin raggi u dulqaadan baa ka soo baxay.. Su’aashii weriyaalku weydiiyeen baa ahayd Madexweyne maxay leedahay.. jawaabtii ba ahayd Duquhu markay da’daa joogaan waxba ma weydiino ee caruurta ayaan ku darnaa (Xigmad carbeed baa tidhaa waqtigaa markay da’doodu gaadho wax uunbaa la siiyaa ee waxba lama weydiiyo).. Waxaan uga socodaa dadkan ku wareegay qasriga madextooyadda amarka soo baxay,Odeygii baa yidhi iyo islaantiisiiba tidhi waxaan ha la sameeyo..iyo waxii la mid ahi ha ku cibrad qaataan qormooyinkaa sare….

Waxaa baryahan dambe si xawli ku jiro iska soo dabbo dhacayaa eedeyn lagu eedaynayo hogaankii xaraanta ahaa ee lagu soo doortay xaraanta, (Horaa loo yidhi Doofar inkatuu Durdur iyo dabaal maro, Abidkii ma Daahiro, oo ma daayo dabeecaddiisii) ….

Maamulkan hadda socdaa wa go’aankii shirkii Gar-Adag, Kaas oo ku sal lahaa shirkii Gudigii Nabadgelyadda Ururkii gacankudhiiglahaa ahaa ee SNM bishii Apri 1991kii..EE TUUR ka Gudoomiyaha , HASSAN ciiena ku xigeenka ka ahaa kuna salaysnaa in beelaha darafyadda dalka laga cidhibtiro, la cadaadiyo,dhul balaadhsina lagu sameeyo,beelaha darifayaddana la dhex dejo ciidamo SNM ah dadkana cadaadiya si ay uga firxadaan, u baneeyaan deeganno cusub kuwii la kari waayona ciidanku habeenkii laayaan, qawracaan lana dhaho lama yaqaan cid dadkan laysay ee waa la baadi-goobi ,cadaaladdanna waala horkeeni, kuma la hor keeni kii dadka laayey baa la leeyahay soo baadh oo soo qabqabo, ma suurto galbaa arinkaas akhristaw Eebbe weynaan ku dhaarshee, sidda ka dhacday jidkii kalabaydh iyo seemaal dadkii lagu xasuuqaya ee ay fuliyeen ciidanka SNM TU. maamulka la sameeyo loo dhiibo meelo maqar saar ah, lagan ilaaliyo siyaasadda waqooyi lagu hagayo, loona magacaabo meello weyd ah, lana hoos dhigo gacanyare IIDOOR OO snm ka soo jeedda , Diinta SNMtu aad uga dhaadhacsantahay iyo gaalnimaddu, si aanu waxba u fulin Karin , dadkana loo tuso in maamulka la wadda leeyahay. ee ahaa qabyaaladda, eexdaa ,kaas oo dhiayey in la qabyaaladeeyo goboladda waqooyi lana IIDOOREEYO, haddana la sii kala IIDOOREEYO taas oo maanta ay munaafiqiintii ku heshiiyey daalimniddu wadooyinkii , iyo isku socodkii waqooyi kala xidheen …

LABO daraadle waxaa ka sii daran Cawar oo wax aanu geyin Gudoonsiiyey Siilaanyo oo ah Shahaado (PHD)..siilaanyona u abtirsaday in uu geyo shahaadandan oo uu soo cuney baranbar iyo duqsi , injirina ku galashay duurka sidii uu kursigan u fuuli lahaa. Cawarna layimid Camuud Munaafaqddii uu lafoole kula dhex jirey lana mid ahayd INA CALI Abokorkii golaha sare ee kacaanka ee shirkii XHKS ee u horey lagu dooranayey Xoghayaha guud ee xisbiga iyo madexweynaha dalka sidii labo looga kala dhigi lahaa ee intuu kacay yidhi… Jaalle siyaad.. shirku wuxuu u dalicieyey in uu noqdo Maarshaal Mohammed siyad Bare. Ahna xoghayaha guud ee xisbiga hantiwadaagga kacaanka somaaiyeed ahna madexeynha jamhuuriyadda dimoqraadiga somaaliyeed, ah gudoonsha golaha sare ee kacaank, ahna taliyaha sare ciidanka qalabka sida ahna gudoomiya maxkammadda sare ee dalka…kkkkk..

Aan u soo noqdo dulucda warkayga….. dalka doorasho deegaan kama dhicin ilaa hal degmo oo lixda degmado ee waqooyi mooyaanne waanna ceerigaabo kaliya maxaa yeelay mar jirto meel is xanbaar dad laga keeno, kuwii ugu dhawaanna waxay isku xanbaareen Burco sidii ay uga soo bixi lahaayeen, waanna ta keentay in maayar Abtirsaday shirkii deegaanka lagu doorto….Waxa ku xigey labo degmo oo ka mid ah Gobolka Awdal oo is xarbaarkii waxba ka fulin kari waayey, waayo dee waxay dadkii joogeen kaliya saylac iyo lughaya halkaas uun baa lagu daadiyey ee isma odhan sanaaduuqdu tuulooyinka ayaa loo qaybiyey, waana ta keentay in intii isxabaarka lagu keenay ay ku soo baxaan lixdii kursi ee lughaya dhexdeedda saddex ka mid ah, iyo saylac oo baabuurtu u kala bixineysay saacad saacad ilaa djibuuti oo dadka laga soo gurayey iyaddiina waata keenatay in ay ku dhawadaan aqlabiyad…..

Saylac iyo lughaya Anigaa joogay 1978-1981kii kana mid ahaa madexda labadda degmo Indhaygu ma saarin Afartaa sanno boqol qof oo ciise ah oo degan labadaa degmo ama hal habeen ka soo toosay,sidaa darteed damacan qalafsan ee uu keenay wiilkii passport doonka ahaa ee caruurtiisa ku dhoofsaday ee Abtiga ay u haayeen , isna wuu arakayey in ayna soconayn ee uu ku awrkacsanayey. Anigu waxaan leehay

Haddii la rabo in ay doorasho deegaan oo xalaal ahi degmooyinka ka dhacdo ciise iyo dadkale ee farabadan oo maanta xildhaano ah,ma heleen hal xildhibaan, maxa yeelay maanta waxaa lagu codeynayey jaantaa jogan, oromaa codeysay, axmaar baa codeeyey, canfar baa codeysay, maymay baa codeeyey, hawiyaa codeeyey darood baa codeeyey, kiinayaati baa codeeyey ciisaa codeeyey aan dalka waxba ku lahayn…

Anigu tallo waxan ku soo jeedin laha ha lagu celiyo codbixintan degmooyinka saylac iyo lughaya xadadkana ha la xidho lix bilood ka hor inta aan codbixintu gaadhin cidii dalka deganni wey codeyn doontaa oo ka guuri mayso kiise isxanbaar ku yimidna la arki doonne.. taariikhdu tahay 23/01/2013 ha la xidho xadka jibuuti codbixintuna ha bilaabanto —-23/07/2013….. inta soo baxdana ha lagu qaybsho waxaanan qabaa maanta waa dulmi tanu ee.cod bixin Cadaalad ku dhisan si loo hello……waxaan hamabalyeynayaa gudoomiyaalka iyo Gudoomiye ku xigeenadda cusub ee lughaya iyo saylac oo aan u arko in ay waliba dolman yahiin oo codadkoodii laga shubtay… waxaan leehay dalka iyo dadka u sheeqeeye dhulku waa dhulkiinii dadkuna waa dadkiinii uga roonaada isxanbaarkii dalka u soo shaqo tegay ee ragaadiyey sanadahii aan soo dhaafnay ubadkiina wax u tara waxaad u qabataan baa anfici doonaa, nin dhoof ku yimid oo raba in uu ka shaqaysto dalka waxba idinkuma kordhin idinkuna kordhin maayo…

Guntiga dhiisha iskaga dhiga cidna idiin ma maqna waa idinka iyo garaadkiin iyo waxaad dadkiina iyo dalkiina u QABATAAN, DADKA CIIDIINA BOOBAYA EE MACDANTII DALKIINA BOOBAYA EE LIISANADDA LA SOO SIINEY KA JOOJIYA HAL DHAGAX IYAAAN LAGA QAADIN OO DALKIINU FAAIIDO UGU JIRIN WAA BA LA DHAMEEYAAN U MALAYN OO KOOXO BURCAD MACDANEED AH AYAA KU FAAFAY………..Waa ban idin ku dheereeyee raali ahaa……

Qare… A. B. IBRAHIM (Aden-cadde)


This post has been viewed 2095 times.

Leave a Reply

%d bloggers like this: