Waraaboow Caano Ma Taqaanaa?

Waraaboow Caano Ma Taqaanaa?

Sheeko Soomaali ayaa waxay oranaysaa:- Bari hore oo xayawaanku ay hadli jireen, ayaa Waraabe waxaa la waydiiyay, bal in uu caano yaqaano,Waraabihii ayaa ku jawaabay, caanuhu soo kuwii mad madooba oo muska la isaga dhiibi jiray maaha, maxaan u aqoon waayey!.Malaha waraabuhu waxa uu arkay haruubka madow oo muska la isaga dhiibayo, marka xoolaha la maalayo, dadkuna markaas is leeyihiin hoo caanaha iga qabo.

Sheekadaan waxaan ku xasuustay markaan maqlay in Madaxwaynaha Jabuuti oo ku dhawaaqay, casumaadna u fidiyey madax iyo aqoon yahano Soomaaliyeed,casumaadaas oo loogu magac-daray sanad guuradii 40aad ee ka soo wareegtay markii la hirgaliyey in luuqada af Soomaaliga la qoro.

Suáasha la is waydiin karaayo ayaa waxay tahay, Madaxwaynaha dawalda jabuuti, ma mashruuc bililiqo ah ayaa meesha la galay?.Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele oo aan dhamaanteen ognahay in uusanba af Soomaaliga dhab u aqoon soo loogama fara dhuudhuubnayn in uu mashruuc noocana saldhig u noqdo.Haa, haa alleylehe waa looga fara dhuudhuubnaa, waxayna ahayd xuskaan haddiiba la qabanaayo in lagu qabto gudaha Dawlad Goboleedka Puntland ,waayo waxaan ognahay in afSoomaaliga la qoray yahay midka sida dhabta ah ugu hadlaan dadka Soomaaliyeed ee goboladaas ku dhaqan.

Dhanka kale waxaad mooda in markii ay dawladii dhexe ee Soomaaliya burburtay in aan ummadda Soomaaliyeed waxaba loola harin, maadaama luuqadoodii iyo dhaqankoodiina maanta saldhig looga dhigaayo wadan aan dadka degan Soomaali ahayn amaba aan af Soomaaliga iyo dhaqanka Soomaalida wax sidaas u buuran ka aqoon, in kasta oo asalkoodii hore ay Soomaali ahaayeen, sida taariikhda la soo dhag-dhageyey lagu sheekeeyo.

Madaxwaynaha wadanka Jabuuti, waxaan ku ogayn ka qayb qaadashada dagaalka sokeeye, dhoofinta hubka, u kala eexashada qabiilooyinka Soomaaliyeed, fara galinta arimaha Siyaasada Soomaaliyeed, bililiqada Wasaaradahii soomaaliyeed sida Isgaarsiita, Bangiyada, Duulimaadada, xawaaladaha iyo kuwo badan oo aan halkan aan ku soo koobi-karin.

Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele waxa uu markaana u soo tafa xaytay mashruuc uu ku afduubayo kuna marin habaabinaayo luuqada, dhaqanka iyo taariikhda ummadda Soomaaliyeed, shaki kuma jiro in mashruucaan Madaxwayne Ismaciil yahay mid siyaasadeed, laguna doonaayo dhaqaale iyo marin habaabinta ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa nasiib daro ah in shaqsiyaad Soomaaliyeed oo sheegta in ay ku xeel dheer yihiin dhaqanka iyo Afka Soomaaliga oo maanta horboodayaan mashruuc siyaasadeed oo lagu majara habaabinayo dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliyeed,waxaaba midaas ka sii daran in
Madaxweyne Xasan Sheekh wafdi uu hogaaminayo ay caawa joogan wadanka jabuuti oo dhagarta uu maleegay Ismaciil Cumar Geele garab-siinayaan.

Waxaan maqli jiray haddii geelu laba danbe habeed ku leeyahay waa gadiisii, haddiise uu labada lugood oo hore habeeda ku yeesho waa gad uu la soo baxay,waxaan is waydiiyey labada beelood ee Hawiye iyo Ciise-Waraabe midna saldhigiyo uma aha afka Soomaaliga, waxayna markaan ku midaysan yihiin, mashruuca dhaqanka iyo afka Soomaaliga magac ahaan loogu yeeray, inkasta oo mashruucu yahay mid dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale yahay.Tusaale:- Waxaa la hadal hayaa in Madbacada daabacada buugaagta afka Soomaaliga iyo Manaahijta aqoonta lagu daabacayo laga furo wadanka Jabuuti,Madbacadaan waxaa maalgalinaya Madaxwane Ismaciil Cumar,intaas waxaa dheer Geele doonaayo Masfax iyo muuyiisam dhaqanka Soomaaliyeed in laga dhiso wadanka Jabuuti, mashruucaan oo la doonaayo in ay dawlada Soomaaliyeed aqbasho.

Ciise-Waraaboow Af Soomaaligu waa tix iyo tiraab ehelkiisana matihid,Maahmaah Soomaaliyeed ayaa waxay oranaysaa (Xagalo Geel wax gunti la galiyo ka wayn),malaha gaashuunbuurta irir-Samaale ee gacan ku rimiskaa waxay is tuseen in ay taariikhda Soomaaliyeed iyo dhulka Soomaaliyeedba wax ka badalaan oo ay markaan meel uun ka soo galaan qoraalada iyo soo yaalka Soomaaliyeed.waxayna markaan sidii ay dhulboobkii ugu hugoobeenba hadal hayaan, in ay kufsadaan afsoomaaliga iyo dhaqanka.

 

Source Saylacnews.net


This post has been viewed 2092 times.

2 Responses to Waraaboow Caano Ma Taqaanaa?

  1. Hangool Reply

    March 19, 2013 at 8:04 am

    Laxawla walaa quwata ila bilaah .

    Waraabaha la sheegayo iyo Dalxawguba waa adiga . Nacas wayn baa tahay oo qabyaaladi madaxa ka qaaday . Waraabuhu wuxuu libaax u soo dadaalay ayuu hoos imaadaa oo dhawaaq foolxun la garab joogsadaa si u libaaxu raqda u siiyo . Adigu waraabahaas baad lamid tahay . Reer Jabuutigu waa Soomaali dhab ah oo Ciise ah . Shanta Soomaali miyaad ilowday nacasoow ! Beenta ad sheegeysid dib uga fiirso. Madaxwane Ismaaciil Cumar u gacan qabtay aqoonyahanadii soomaaliyeed ee kala daadsanaa oo jabuutuu uga dhigey hoy lagu soo dhaweeyo . Lacag badan buu ku bixiyey siduu dalkiisu u hormariyo af soomaaliga oo qaamuusyaal eraybixiyeyaal la soo saaro ,shirar badan baa lagu qabtay jabuuti ee waxba lama socotid adigu.Nacays Aflagaado meelahan la soo faraystay baa tahay . Af Soomaaliga adigu dadka uma qaybisid dameerow ,waayo hadii ay lexjeclo kaa hayso afka , waad maalgalin lahayd intaad qabyaalad iyo sumcadil ad halkan ka wado . Taariikhda Jabuuti iyo Soomaalida dagan soo baro horta . Suugaan Saraysa , Xeer Dhaqameed la isku maamulo ,kala dambayn iyo Ugaasyo way leeyihiin Soomaalida Jabuuti. Asal waa dad Soomaali ah oo u dirira Soomaali wayn . Masha’Allah , Ilaahay baa sharaftaas siiyay maanta haday ku soo dhaweeyeen madaxda soomaaliyeed dalkooga oo ay afka Soomaaliyeed Baarka u fireen . Hambalyo inaad tiraahdo maxaa kuu diidey hadii ad dadnimo leedahay oo ad tixgalinayso walaalahaa . Mise qoladii furuukhda ahayd ee soomaalida taariikh ku lahayn baad ahayd .
    Waxaa kuu fiican in ad baabi’iso caydan ad meesha soo dhigtid .

  2. Hangool Reply

    March 19, 2013 at 8:12 am

    Laxawla walaa quwata ila bilaah .
    Waraabaha la sheegayo iyo Dalxawguba waa adiga . Nacas wayn baa tahay oo qabyaaladi madaxa ka qaaday . Waraabuhu wuxuu libaax u soo dadaalay ayuu hoos imaadaa oo dhawaaq foolxun la garab joogsadaa si u libaaxu raqda u siiyo . Adigu waraabahaas baad lamid tahay . Reer Jabuutigu waa Soomaali dhab ah oo Ciise ah . Shanta Soomaali miyaad ilowday nacasoow ! Beenta ad sheegeysid dib uga fiirso. Madaxwane Ismaaciil Cumar u gacan qabtay aqoonyahanadii soomaaliyeed ee kala daadsanaa oo jabuutuu uga dhigey hoy lagu soo dhaweeyo . Lacag badan buu ku bixiyey siduu dalkiisu u hormariyo af soomaaliga oo waliba qaamuusyaal eraybixiyeyaal in la soo saaro buu hirgeliyey ,shirar badan baa lagu qabtay jabuuti ee waxba lama socotid adigu.Nacays Aflagaado meelahan la soo faraystay baa tahay . Af Soomaaliga adigu dadka uma qaybisid dameerow ,waayo hadii ay lexjeclo kaa hayso afka , waad maalgalin lahayd intaad qabyaalad iyo sumcadil ad halkan ka wado . Taariikhda Jabuuti iyo Soomaalida dagan soo baro horta . Suugaan Saraysa , Xeer Dhaqameed la isku maamulo ,kala dambayn iyo Ugaasyo way leeyihiin Soomaalida Jabuuti. Asal waa dad Soomaali ah oo u dirira Soomaali wayn . Masha’Allah , Ilaahay baa sharaftaas siiyay maanta haday ku soo dhaweeyeen madaxda soomaaliyeed dalkooga oo ay afka Soomaaliyeed Baarka u fireen . Hambalyo inaad tiraahdo maxaa kuu diidey hadii ad dadnimo leedahay oo ad tixgalinayso walaalahaa . Mise qoladii furuukhda ahayd ee soomaalida taariikh ku lahayn baad ahayd .
    Waxaa kuu fiican in ad baabi’iso caydan ad meesha soo dhigtay . Jooji xumaanta !

Leave a Reply

%d bloggers like this: