Bulshada Awdal Diyaar Ma Utahay Isdifaac Aan Leex-Leexad Lahay

Bulshada Awdal Diyaar Ma Utahay Isdifaac Aan Leex-Leexad Lahay

Bulshada Awdal Diyaar Ma Utahey Isdifaac Aan Leex-Leexad Lahey? 

Sallaan dhamaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada ku nool ama kasoo jeeda degaanada Awdalstate. Akhristayaasha Awdalstate su’aasha maanta ubaahan iney jawaab toosa uhelaani waxey tahey Malagaadhey Xili ay qasabku tahey iney is difaacaan? Isdifaacu maaha dagaal waxase weeyaan daruuri marmarka qarkood aan laheyn meel looga bixi karo la’aantii. Istifaacu kuma koobna gacan ka hadal oo kaliya, waxana ka mid ah in bulshadu difaacdo sharafteeda, karaamadeeda, dadnimadeeda, siyaasadeeda, guryaheeda, bulshadeeda, degaanadeeda, Soomaalinimadeeda iyo mustaqbalkeeda intaba. Isdifaacu waxa uu yimaadaa marka dadkale oo leh arimo ugaar ahi kala dhexdhamaan waayaan dhibaatooyin joogta ah, cabushis joogta ah iyo karaamo qaad joogta ah. Kor iyo hoosna uqaadan waayaan marka loo sheego inaaney qasbikarin dadkale oo aaminsan wax iyaga ka duwan. Dadkaasi oon ukala aabo yeelin bulshada qaybaheeda kala duwan gaar ahaan suxufiyiin, dhalin yaro, waayeel iyo haweenba. Marka intaasoo dhan dhibaatadu wada gaadho waxa markaa bulshadaa lasoo gudboonaata laba arimood oo kala ah ogolaasho dulinimo oo joogta ah iyo isdifaacid dhankasta leh. Isdifaacu waa mid bulshadaa qasabkaga dhiga iney isticmaalaan maalkooda, afkooda iyo gacmahooda oo wadajira. Dadka qaarbey la tahey in isbadel siyaasadeed ka dhacey magaalo madaxda Soomaaliya islamarkaana isbadelkaasi ka saari doono dhibaata haysata bulshada Soomaaliyeed. Waxase aan la iska yeel yeeli karin in kolba inta ay haysato dhibaatadu xanuunkuna ugaar yahey dadkalena kolba sidey iyagu naftooda ugu huraan isdifaacooda ugu gacan siiyaan ama aaney ugu gacan siin. Dadka Awdalstate wey gaadheen xili ay shaqsikasta wuxuu doono ha aaminsanaadee ay daruuri kutahey sidii ay isku difaaci lahaayeen. Kan la shaqeeyaa ha ogaado maanta waa ina adeerkii barina waa walaalkii iyo xaaskiisa. Wallaalayaal waxad joogtiin xili la mid ah xiligii  beelaha SNM haduu sargaal yahey iyo haduu shicib yaheyba awoodooda meel isku keeneen sidaa daraadeen isweydiiya intee inleg baad u adkeysan doontaa tacadiyada dadkiina lagu hayo? ogaada iniguna waadku xigtiin. Dadnimadiidana iyo dadnimo la’aantiinu waxa la kala ogaan doonaa maanta. Barina noqonmeyso maanta oo fartaad dhexdka qariini doontiin. Hadaba yaan iska difaaceynaa? waxan iska difaaceynaa xukun qarqooshka SNM iyo Siiraanyo gadhwadeen ka yihiin. Kuwaasoo mudo dheer bulshada Awdal ku hayey tacadiyo dhankasta leh. Waxan gaadhney xiligii isdifaac cilmiyeysan oon aheyn kii ay ku kaceen SNM ee magaalooyinkooda dabka qabadsiiyey oo kale. Waxan gaadhney isdifaac aan mastaafurkeena dariiqyada loogu joogsan.Waxan gaadhney isdifaac aan habeen badhkii bulshada inta reer guuraaga ah saqda dhexe la mirin si degaano loo baneysto, waxan gaadhney xili aan xisbiyo beeleed beena SNM inaga R.Jabouti la iskaga keen horkeenin, waxa la gaadhey waqti aan SUXUFIYIINTA Awdal ka hawlaga jeelasha lagu gurin iyagoo lagu haysto waxaad rayiga bulshada Awdalstate caalamka utusteen. Waxa la gadhey xili aaney dad kayrkeen ahi isirkeena tashuush ugalin dadkeena ku xidh-xidhin Soomaalida kama mid tihiin. Waxeynu gaadhney xili aan lookala aabo yeelin ka la shaqeysta iyo dhamaan jaran jarooyinka loo adeegsado bahdilaada beelaha Awdalstate. Gabo gabadii. Hadaad Dhimato Geeridu Marbey nolosha dhaantaaye, xukunkaa qarqooshka kadaran ee goobwaliba yaale, bani’aadankiye geerida marley waa isma seegaane. M.Axmed


This post has been viewed 1992 times.

One Response to Bulshada Awdal Diyaar Ma Utahay Isdifaac Aan Leex-Leexad Lahay

  1. ali Reply

    September 22, 2012 at 11:57 am

    GOOD WEBSITE.

Leave a Reply

%d bloggers like this: