Dababa Waa Waxay Dhashee Doono Hooyadaa Ina Samatarow

Dababa Waa Waxay Dhashee Doono Hooyadaa Ina Samatarow

Doorashada Madaxtinimada Soomaliya ayaa wareegi kowaadba waxa nasiib darro ku hadhay prof Axmed Ismaaciil Samatar oo somalida inta wadaniyada jeceli ay ku hanweynayd inuu soo baxo hubaalna ahayd inuu somaliya meel sare gaadhsiin laha hadii loo doorto xilka madaxtinimada Soomaaliya laakin maanta Ina Samatar hal cod may siinin Soomaalidi uu 25 sano u ordayay ee xita uu ugu soo talo galay inuu bila musharhar ugu shaqeeyo ee uu ku ilaaway dadkiisa iyo deegaankisa awdalstate.

Prof Ahmed Samatar wuxu u haystay sida wadanka uu ka yimid ka dhacda Inaa aqoon, karti, wadanimo , aftahanimo  , midnimo, qabiil nacayb, daacadnimo iyo freedom of vote inaa lagu helayo codadka barlamaanka soomaalida ee aan dan iyo aash kalahayn waxaas oo dhan, shayga kaliya ee furaha u ahna ay tahay qabyaalad qoto dheer.

Ina Samatar dadkii uu isku halaynayay waxay tuseen inaanu waxba ku lahayn , dadkii uu ka faanay ee reer awdalstate  ee dadkiisa aha ee uu hadana calankooda diiday ee uu hadana Ugaasdooda Diiday ayaa maanta hagrasho la’aan wixi ay hayeenba ugu shubay taasi uu ku helay 8 cod oo ah sideed cod ee Beelaha Gadabuursi meeshas ku lahayeen ka sagaalaadna isagu ayuu aha isna iskuma codayn karin.

Soomali maanta waxa maamula waa qabiil, qabiil kastina wadaniyad waxba kama galin as long as qabiilkiisu wax noqonayaan , Ina samatarna waxa looga baahna inuu mar hore karto inay dantu ku jirto dadkaaga oo wax noqda , maanta aqoonta uu haysto hadii uu dadkiisa wax ku tari  laha waxa hubaal ahaan lahayd inay tariikhdoodi iyo magacooduba soo noqon lahayeen isagna waxba kuma waayeen. Intaa wakhti iyo dedaal uu kaliyay koonfurta soomaliya iyo somaliland tageerida uu hada uun la soo baxay waxna uu kuwaayay oo hal codna ay kusiin wayeen Isaaq waxa u dhaantay inuu Awdalstate iyo khaatumo taageero.

Soomaali Maanta Waxay ku Tidhi Prof  Axmed Ismaaciil Samatar “Dababa Waa Waxay Dhashee Doono Hooyadaa Ina Samatarow” , Ina Samatar Ha u Noqoto Wake Up Call.

Waxan ugu danbayntii Leeyahay Ina Samatarow dadka kuu Baahan Maanta iyo Bariba Waa Dadkaaga Waa Kuwa Aad Maanta Ka Heshay 8da Cod, Waa Kuwa Maanta Meesha Soomaali oo dhan Qabiilna Ku Quudi Waayay Hal Cod Iyagu Ku Garab Joogsaday Waxana Hubaal ah Hadii uu Gadabuursi Inta Wax Ka Badan Kuu Hayana Waxay Ku Siin Lahaayeen Laakin Adiga Prof Samatarow Dadka Sidaas Ku ah Maxaad u Ilawday Ilayn Caws Jiilaal Waa lama Huraane.

Qore : Samaron Rooble Hassan

samaronhassan@gmail.com

 

 

 

 

 


This post has been viewed 3362 times.

6 Responses to Dababa Waa Waxay Dhashee Doono Hooyadaa Ina Samatarow

  1. muqtaar Reply

    September 12, 2012 at 12:39 pm

    bal waxaad qoreysaan dib u eega waxaad dhahdeen somali waa qabiil doorashooda adinka waxaad cadeyseen inaad qabiil 8cod ku siiseen marka hadii la idinka qabiil batay lama calaacalo

  2. Cismaan Reply

    September 12, 2012 at 9:00 pm

    Waxaa haboon in hadii qofku fahmi waayo waxa uu akhriyo inuu mar labaad ku celiyo waxa laga hadlayaa maaha qabiilnimada gadabuursi iyo xaqooda yare mukhtaar

  3. ali Reply

    September 22, 2012 at 12:05 pm

    prof samater waa uu u qalmaa prime minister of somalia,maxaa yeeley waa muwaadin dhab ah.mida xegta haduu heley 8 cod ama 100 cod hadafku waxuu ahaa inuu ka qabgalo doroshada,waxaana hubaal ah inuu ka mis noqon doono dawlada la soo dhisayo ee cusub.

  4. that is it Reply

    September 23, 2012 at 8:36 pm

    isaaq maxamed abdulahi omaar bay cod siin lahaayeen hadii ay meesha hunguraynayaan
    1 cod kaliya ayuu ka helay goobta
    samaroona halcod meel kale ma marin oo intii itaal koodaa way ugu wada shubeen
    adeer markaa maxaad la calaacalaysaan
    qabyaalad cidi idinkama badisee

  5. mohamuud Reply

    October 1, 2012 at 9:55 pm

    isaaq nin jeebka ugu jira uun bay codka siinayaane hakaraama seegina anigu ninkan sidaan u taageersanaan jirey waqtiyadii adkaa ee uu guumaysiga madoow wadanka kaga qaylin jirey hadana hadana muu helin abaalkiisii laakiin hal mid ogoow maqashii dushaada ogol baa lasitaa , awdal, khatumo iyo maakhir oo intuu idaacadaha soo istaagay yiri raali kama ihi waxaan raali ka ahay waxa beesha snm smaaysatay hadda eega dadkiisii ayuu xaqirayaa , 3 goorba reer khatumo awdals iyo maakhir taageero buuxda ayay siin lahaayeen mid waa soomaalinimada ,midnaa waa midnimada wadanka midina waa xiriirka soo jireenka ahaa ee kadhexeeyey beelaahaas aan soo sheegay intiiba wuu soo dhaafoo wuxuu bilaabay inuu beesha isaaq uu yiraahdo iyagaa xaq ka amqan yahay dadka kale yay wax samaysan .war wuu seexday adeer intaad isaaq waashay u hadlayso oo xaquuq umaddo kale leeyihiin iyaga u doonayso walaahy hal cod helimaysid ..iskaga hadh snm tan aad u hadlayso , oo taageeradaada ka raadso soomaalida kale dir koonfureed iyo dir waqooyi waa gadabuursi ,isaaq anaigu ma,aqaan waxay yihiine daarood waqooyi iyoraxan weynba cod waad ka helaysaa .ee horta awdalstate duuli oo kor u qaad magaca deegaankaaga intaad isaaq u hadlayso ilaahay iyo muslinkuba nacay oo kontaynar ku jira ..

  6. brave man Reply

    December 19, 2012 at 11:46 am

    yarkaa maxamud ee calooshu xanuunayso ee dimaha ku leh cuqdada ku dishay iska saar isaaq adooo kale barashada isaaq u gashaa waxba ku falmiyane,,,mida kale ama bari tag ama galbeed tag somali waxa dawlad healy waa laba qaybood waana somaliland iyo konfur somaliya,,,,waqooyi alle ka sakaw waxa wax laga waydiiya waa isaaq cid walbana ayaga ayay u daba fadhiisanayaan ina samatar meel uu isaaq ugu dooday lama hayo ee indhaha kala fur waxa ku dhacay waa waajibkiisa iyo natiijadi uu sugayay waxa waajib ku ah inuu wadankisa u soo laabto,,,,,,,,,,,,,,,,,,,no more cuqdad adeer….no awdal state wala wax shabaha……………….halkan somaliland ayaa ka talisa kana talin doonta ee dadkiina dhinac ka raaca

Leave a Reply

%d bloggers like this: