Marwo Adna Oo Aflagaado u Geysatay Shacabka Soomaaliyeed

Marwo Adna Oo Aflagaado u Geysatay Shacabka Soomaaliyeed

Osoli-Awdalstate.com-Gabdho Soomaaliyeed oo Muqdisho, gobolo ka tirsan Soomaaliya & qurbaha ku dhaqan ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey hadalo ka soo yeeray Adna Aadan Ismaaciil oo ka mid ah dadka u ololeeya gooni isu-taaga maamulka Somaliland oo shir lagu qabtay Biljamka oo ay ka jeedisay hadalo gef & meel ka dhac ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshadda ku dhaqan gobolada Koofurta Soomaaliyeed.

Gabadhan oo soo noqotay marwadda R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa ummadda Soomaaliyeed ku tilmaantay in ay kulligood yihiin argagixiso, burcad badeed, hogaamiye kooxeed & wax aan u qalmin in sida bini’aadamkii loola dhaqmo, waxaana hadalada ka soo yeeray si weyn uga carooday gabdho Soomaaliyeed oo qoraalo ay na soo gaarsiiyeen aan ka soo qaadanay qeybo yar.

Drs. Siciido Cabdi Cali: oo ka mid aheyd dadkii naqdiyey hadaladda Adna, ee farriinta na soo gaarsiiyey ayaa sheegtay in maamulka ay sameysteen gobolada Waqooyi ee Soomaaliya markii laga diiday in ay gooni ka noqdaan Soomaaliya in ay u soo jeesteen aflagaadeynta & dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed, waxeyna hadalada Adna ku tilmaantay kuwa mudan in lagu qoro diiwaanka taariikhda Soomaaliya.

“Ummaddii ay ka dhalatay ee Soomaaliyeed ayey kala soocday, qabiilka Isaaqaa nasab ayey ka dhigtay, Soomaalidii kelena argagixiso & burcad badeed ayey ka dhigtay, waxey ilowsan tahay in ninka Alshabaab madaxda u ah inuu ku dhashay gobolada ay sheegeysano”.

Jaa’iso Xassan

Naagtan waxey u geftay ummadda Soomaaliyeed si cunsurinimo ahna ummadda Soomaaliyeed ayey u kala soocday, wixii qalbigeeda ku jiray ayey soo saartay, shacabka Soomaaliyeed ee ay u geftay waa in ay raaligelin buuxda siisaa, wixii ku raacsan ama haddii ay jiraan ummad hadaladda ay ku hadashay ku taageersan ha ka baxaan Soomaalinimada oo ummad kale ha sheegtaan.

 

Faadumo Isaaq
In meel fagaare ah lala soo istaago aflagaadeynta & uskageynta dadkaaga oo codkarnimo laga raadiyo waa nasiib darro.

Caasho Xersi Xassan
Waa Ayaan Xersi dii 2-aad, waana qof habowsay oo diinteedii & ummadeedii aflagaadeyneysa, si ay u beerlaxowsato ajnabiga dhageysanaya, waxeyna ilowsan tahay in kuwa dhageysanaya niyadda ay ka leeyihiin {adiguna waxa aad tahay dameer ka mid ah dameerada aad caayeyso}

Faadumo Nuura
Shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan Jabuuti ilaa NFD ha dhageystaan islaantan waxa ay ku hadashay, sida ay keligeed dhulka isugu jiitayna waa arrin la yaab leh, waa la baryootamaa laakiin sidaas inaad isku deldesho ma ahan, hadaad dhimaneyso dhareerka waa la iska duwaa”.

Ref; Wehel M C

Allaa Mahada Leh


This post has been viewed 2047 times.

%d bloggers like this: