Hashaadda Waa Laga Tagaa! Halkaaggase Lagama Tago!

Hashaadda Waa Laga Tagaa! Halkaaggase Lagama Tago!

Awdalstate-Ilimaha City- Waxaan Hoos ku soo Gudbinayaa Xaajooyin Qaladkooda Mudan in lagu Sheego inuu Dhaxal-wareejin yahay Mahadhona uu Reebay, Waana Arrin Murti la’ Ciiraysa oo Maskaxdana Riminaysa, Waa Dhaliil Cilmiyeysan, Waa Dhiirigalin Wadani, Waa Guubaabo Siyaasadeed, Waa Dagaalgalin, Waa Kicin iyo Abaabul Heer Sare ah oo ku Jixaasan Af- Soomaali Hodan ah.

Murti Soomaaliyeed ayaa Tidhaahda ”Run iyo Ilkaba Waa La Cadeeyaa” oo Hadaanu Xaqiiqda Ka Gabano Ka Bixi Mayno Arramida iyo Hooga Ina Dul Hoganaya Dharaar iyo Habayn Walaalayaal.

” Wajiga- 1aad Waa Ismaandhaafka Ka Dhextaagan Ummada Ku Dheqan Awdal State!!

Waxaanu Kaawda Dheregsanahay Qiimaha ay Xambaadhsan Tahay Maammaahda Tidhaa ” Warraabayaal Is Cunaya Libaax Iskama Dhacshaan ” Nolosha Waxaa ku Lammaansan Dhibaatooyin Badan oo Siyaabo kala Duwan Nolasha Ula Xadhiidha.

Taariikhda Aadanahana waxaa ka Buuxa Dhacdooyin Xanuun leh iyo Xaalado Argagax badan oo soo Taxnaa intii ay Nololi Jirtay. Cudurada, Colaadaha, Gaajada, Musiibooyinka Dabeecada iyo Geerida ayaa ah Xaqiiqooyinka Nolosha oo Aan Marnaba laga Baxsan karin.

Docda Kale Waxaa Jira Barkhad iyo Badhaadhe ay Ku Naaloodaan Inta Caqligooda Magansata Misna Dhallaaliya Iyagoo Ka Faa’iidaysanyo Hadba Sida Ugu Macquulsan. Adeegsiga Caqliga waxaa Laga Dhaxlaa Aqoon iy Waayo Aragnimo Baaxad Wayn oo si Fudud loogu Maarayn karo Caqabadaha Nolosha. Farsmada Casriga ah iyo Aqoonta Cusub Waxay Sababeen in Si Fudud Lagu Xaliyo Guud ahaan Daruufaha Qalafsan ee Nolosha ku Ladhan.

Intaa Kadib Waxaan Si Wallaaltinimo Ku Dheehan Tahay Aanu Uga Codsanayaa Dhamaan Bulshada Ehlu Caqliga ah ee Ka Soo Jeedo Dhulweynaha Maamulka Awdal State iyo Goboladiisa Gabilay, Awdal iyo Salal Inay Si Buuxda Isu Garabtaagan Dowladooda iyo Madaxdooda u Guntaday Sidii Ay Uga Mira Dhalin Lahaayeen Himiladooda Wacan;

Hadaba Miyaynan Haboonayn Inaanu Isweydiino Su’aalahan Soo Socda’’

Shacabka Awdal State Miyayna Haboonayn Inay Isgarabtaagaan Dowladooda’

In Dowladu Soo Bandhigto Dhibaatooyinka Dhaqan iyo Dhaqaale ee Umada Ragaadiyay’
In Dadka Loo Kala Saaro Madax iyo Minjo Hormuud iyo Shacab’
In La’iska Qabto Shaqsiyaadka u Adeega Cadowga Reer Awdal State’
In Taladii iyo Teeladii Qoomiyadda Gacanta Dowlada Lagu Soo Cesho’
In La Soo Afmeero Lana Xakameeyo Xuduuda Qoomiyada Gadabuursi
In Laga Waantoobo Qayladhaanta Loo Dirsanayo Jamhada SNM’
In La Fahmo Qolyaha Sheegta Siyaasiyiin inay Yihiin Awr-kiraalayaal’
In Dhalinyarada iyo Haweenka ay Hogaanka Kala Wareegaan Odayada Maanta’
In La Takooro Xubnaha ay Xirfadoodu Tahay Isku Dirka & Basaasnimadda’

Wajiga 2-aad Waa Beelaha Inagu Xeeran oo Ku Heshiiyay Sidii Loo Moora-duugi lahaa Ummadan!!

Maxaa Keena Ismaandhaafka Ku Salaysan Kala Duwanaanshaha Afkaarta Sideese la iskugu soo Dhaweeyn karaa qalbiyada, aqliga Caafimaadka Qaba Misna Ka Fayoow Cadiifadda iyo Xumahha Hoojiyay Dhamaan Inta Ku Abtirsata Ilma Samaale.

Waxaa iyana muhin ah, loona Baahan yahay in lagu Talaabsado Arrin Horusocod ah, Lagana Tanaasulo ama la iska ilaawo ku Dhaganaanta ahdaafta sumaysan ee Qabiilka & Qabyaalada, kuwaasi oo Aafo iyo Ibtilo Ku Haya Guud ahaan waddankeena hooyo ee Soomaliya Gaadh Ahaan Deegaanadeena:

Hadaba Hadaanu Yara Milicsano Sooyaalka Taariikheed ee Bulshooyinka ku Dhaqan Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya Sida Deegaanadda Awdal State iyo Ismaamulka Hargaysa Waxaa Halkaa inooga Muuqanaysa in Faraq Weyn Udhaxeeya Xaga Xadaarrada, Hanaqaadka Siyaasadeed, Hormuudka Bulsho Udiyaara Ka Mira Dhalinta Aayahooda, Kala Duwanaanshaha Maan Laga’soo Dhalaaliyay Maskax Guuna’ iyo Ku Dhaadashada Cadiifadeed ilaa Maalinta Qiyaame.

Waxaad Arkaysaa In Ka Dib Burburkii Dowladii Dhexe ee Soomaaliya Ay Shaaca Qaadeen Arrimo La Xadhiidha Nacaybsho Isireed Kana Imanaya Docda Reer Hargaysa ( Somaliland ) iyo Kala Fogaansho Bulsho Kuwaasi oo Ay Daaha Dabadiisa Ka Hagayaan Shaqsiyaad Ku Fashilmay Jiritaankooda Qof Ahaaneed Waxayna Doorbideen Inay Dabada Galiyaan Waxa Loogu Yeeray Siyaasadda Beelaysan ama Hanaanka ( Tolo’ayeey Stayl-ka ) Waxaa Ayaan Dara Ah in Jiilba Jiil Usii Gudbiyo Utun iyo Colaado Lagu Riiqmay Saadaasheeduna Waa Mid uu Madow Ku Dahaaran Yahay:

W: Q: Suxufi Abroone

Afhayeenka Awdal State

United Kingdom

Allaa Mahad Leh


This post has been viewed 1848 times.

%d bloggers like this: