HEESTII LOWSKII BOORAME‏ | Oo Loo Tiriyaya Hablaha Awdal State Mansha Alla

HEESTII LOWSKII BOORAME‏ | Oo Loo Tiriyaya Hablaha Awdal State Mansha Alla

(   KUMA HAQAB TIRTO MURTI AAN HALBEEGGEEDU KU DEEQIN )

SUUGAANTAN OO MACNO WAYNI KU JIRO ISLA MARKAANA HUWAN ARAGTI MUHASHO GOCATAY
MUUQAAL XUSUUS MUDAN ERAYADEEDANA,AY KA DHEX MUUQDAAN TILMAAN IYO SIFO AAD U XEELDHEER
WAXAA NASIIB U YEELATAY GABADH REER AWDAL AH ISKUNA DARSATAY ABUUR IYO HANAAN DHAMAYSTIRAN
OO ILAAHAY HIBO U SIIYAY IYO HUGA,AY  LA SHIR TIMID OO ASHQARAAR GALIYEY CID KASTA OO DAAWATEY
GABADHANI WAXAY KU LABISNAYD CALANKA QURUXDABADAN  EE ASTAANTA U AH AWDAL STATE  ISUGUNA JIRA ASTAAMAHA UU
DALKEENU KA KOOBANYAHAY INANTAN OO GACMAHA KU WADAY DABAQ IYO XEEDHO ISKU DABOOLAN OO INDHO DARAANDAR
LEH CUKURADANA KU TAXDAY KUULO KALA NOOC NOOCA AH INANTAASOO DHAB AHAANTII ISKU DARSATAY MIDAB
IYO HANAAN RABI HIBO U SIIYEY IYO DHAQANKII HOOYO,OO AY U HIILISAY KUNA MUTAYSATAY INAAN TILMAANTEEDA
OO SAX AH IYO HALKAY KA SOO JEEDO ABAALGUD UGA DHIGO MURTIDAN HALKUDHAGGEEDU YAHAY LOWSKII BOORAME.
———————————————————————————————————————————————————-

DARMAANYAHAY LA MOODAA
LIIGGIYO BICIIDKII
LIKALEEY KU NOOLAA.
DARMAANYAHAY LA MOODAA
LIINTIYO BABBAAYGII
ISKU LAAQANAAYEE.
LIIL WABI DURDURA IYO
BIYO LIGICLEH GEESTOOD.
LAAMAHA BISLAADIYO
KU LIFAAQAY HOOBAAN.
MIDABKAAGA LUULKIYO
LAMMAANAHA ISUGU JIRA.
LIIBAAN ILAAHAY
KU LIB SHEEGTO WEEYAAN.

LAANYAHAY BAXAYSAA.
LEEGLEEGSIGAAGANI.
WAA LAAFYIHII ADAL.
IYO LOWSKII BOORAME.
LAHASHADA UDGOONKALEH.
LADAADYADA KU GALIN JIRAY.
KUMA GAYO NIN LIITAA.
IYO DOQON AAN LAYLYAMIN.
KUFKAA MAAHA LABAC LABAC.
GEESIBAA LUDDAADIYO.
LAFAHAAGA HANAN ARA.

SIDA GEED LUGTOOLE,AH
OO LAAMIHIISII
LAYDHU AY DUWAYSOO
DABAYLUHU LULAAYAAN
OO LAAG DAREEMO LEH
IYO KAYN LBAAX BADAN
HOOBAAN LA LIICOO
LAALLAADSHEY BAALLAHA.
OO LAAMA LOOSHAHA
IYO LABI CADII BAXAY
LIIQLIiQANAAYOO
HADBA BAAL U LEEXSAMEY.
MIDABKAAGA LUULKIYO
LAMMAANAHA ISUGU JIRA
LIIBAAN ILAAHAY
KU LIB SHEEGTO WEEYAAN.

LAANYAHAY BAXAYSAA.
LEEGLEEGSIGAAGANI.
WAA LAAFYIHII ADAL.
IYO LOWSKII BOORAME.
LAHASHADA UDGOON KALEH.
LADAADYADA KU GALIN JIRAY.
KUMA GAYO NIN LIITAA.
IYO DOQON AAN LAYLYAMIN.
KUFKAA MAAHA LABAC LABAC.
GEESIBAA LUDDADIYO.
LAFAHAAGA HANAN KARA.

SIDA BASAL LA JIIDE LEH
OO XALAYTO LAYDHKII
INTA ROOBKU LABA HELAY
LUNLUMEEYEY DAADKII.
OO,AY LAB COOWLKIYO
SARYANKA IYO LIIGYADU
INTA AY LEGDAMAYAAN
GEESAHA KU LOOLAAN.
LOOLLIDA BIYAHA BADAN
AAD KU LIINBANAYSOO
RAHA LAAQINAAYAA
SIDA LAARMIGA U CIYEY.
MIDABKAAGA LUULKIYO
LAMMAANAHA ISUGU JIRA
LIIBAAN ILAAHAY
KU KU LIB SHEEGTO WEEYAAN.

LAANYAHAY BAXAYSAA.
LEEGLEEGSIGAAGANI.
WAA LAAFYIHII ADAL.
IYO LOWSKII BOORAME.
LAHASHADA UGOONKA LEH.
LADAADYADA KU GALIN JIRAY.
KUMA GAYO NIN LIITAA.
IYO DOQON AAN LAYLYAMIN.
KUFKAA MAAHA LABAC LABAC.
GEESIBAA LUDDAADIYO.
LAFAHAAGA HANAN KARA.
——————————————–
MUXAMED SHEEKH XUSSEIN TABAARAK.


This post has been viewed 1511 times.

Leave a Reply

%d bloggers like this: